WARBIXIN: 5 Faa,iido Oo Ay Real Madrid Ka Heshay Kulankii Ay Guusha Ka Gaartay Napoli

Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Napoli iyada oo joojisay tareenkii la joojin la,aa ee Napoli iyaga oo 3-1 ugu awood sheegtay hal lugna la galay wareeg 8 dhamaadka tartankan.

Real Madrid ayaa soo bandhigtay ciyaar aad u qiimo badan oo ay dadka ku tustay in ay wali yihiin boqorada yurub xilli ay difaacdeen koobka ay qaadeen xilli ciyaareedkii hore.

Shabaka shabaqa.com ayaa warbixintan ku eegi doonta 5 faa,iido oo ay Real Madrid ka heshay guushii Ay ka gaartay kooxda Napoli.

1.Waxa Ay niyad ahaan Dhaamaan Barcelona:

Kadib guushan fudud ee ay ka gaareen Napoli ahaa ah mid niyada u dhisaya halka kooxda ay aadka u xafiiltamaan lagu soo bahdilay france xilli PSG ugu awood sheegtay 4-0.

Real ayaa hal lug la gashay 8 dhamaadka iyada oo haatan si niyad leh ku ciyaari doonta kulamada kale ee ay ka qayb galayso sida La Liga.

2.Benzema oo qaab ciyaareed fiican Soo bandhigay:

Weeraryahankan ayaa kulamadii ugu dambeeyay dusha laga saarayay dhaleecayn aad u balaadhan kadib markii uu qaab ciyaareed liita ku soo bandhigay kulamada kooxda.

Laakiin xiddigan ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa isaga oo xalay laf dhuun gashay ku noqday kooxda Napoli oo mashquul ku riday daafacayadeeda.

3.Kalsoonidii oo Ay Kooxdu Dib u heshay:

Marka runta laga hadlo Real Madrid si fiican uma aysan ciyaarin intii uu sanadka cusub bilaabmay iyada oo si aad u liidata u ciyaaraysay kulamada.

Laakiin Guushan weyn ee ay ka gaareen koox aad u fiican ayaa dib u soo celisay kalsoonida kooxda iyaga oo haatan dib uga socon doona qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigi doona kulamada xiga.

4.Ronlado oo Ogaaday In Hogaamiye Ka Yahay:

Waxa wax aad loo la yaabo ah in la arko Ronaldo oo faraxsan isaga oo aan wax gool ah ka dhalin kulankasata laakiin Ronlado ayaa haatan ogaaday in uu hogaamiye u yahay kooxda marka loo eego khibradiisa.

Ronaldo ayaa soo bandhigay kulan aad u fiican inkasta oo uuna wax gool ah dhalin laakiin uu ku lug lahaa kubado badan oo khatar galiyay goolka Napoli.

5.In Ay Awooda saaraan Horyaalka:

Hadii caawa laga badin lahaa ma bar-baro ay gali lahaayeen waxa hubaal ah in ay kooxdu khal-khal gali lahayd oo ay isku dhex yaaci lahayd.

Waxana ay iska iloobi lahayd horyaalka iyaga oo niyada ku wada haya kulanka dambe ee champions league sidaa darteed waxa ay guuldarooyin ka soo gaari lahaayeen kulamada Horyaalka.

Laakiin haatan si niyad leh ayay u gali doonaan kulkan horyaalka 3-da dhibcoodna waa ay u dagaalami doonaan.

Share on Facebook

Comments

comments


Fikradaha Akhristayaasha (0)




..