WARBIXIN XASAASI AH: Guuldaradii Barcelona Oo Saamayn Weyn Ku Yeelan Karta Kooxaha Waaweyn Ee Premier League+Sababta

Guuldaradii Foosha xumayd ee 4-0 ahayd ee xalay Barcelona ka soo gaartay ayaa raad xun ku yeelatay kooxda aka ciyaara horyaalka Premier league.

kooxda reer Spain ayaa guuldaro 4-0 ah kala kulantay kooxda Paris St Germain kulan ka tirsan lugtii 1-aad ee wareega 16-ka champions league.

Xiddigaha Lione Messi,Luiz Suarez iyo Neymar ayaa laga dhex waayay garoonka dhexdiisa xilli guuldarani in badan ku jiri doonto dad badan maskaxdooda.

Image result for Ronald Koeman,Mauricio Pochettino

Guuldaradan ayaa shaki weyn galisay mustaqbalka Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique xilli kooxda Catalonia suuqa u gali doonta tababare ay badal uga dhigto.

Barcelona ayaa markan u suuq doonan doonta dhanka Premier league maadama ay ka rajo weyday tababarayaasha ka xamaasha horyaalka Spain dhexdiisa.

Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaraya ayaa sheegaya in kooxda Barcelona diwaan gashatay tababarayaal dhowr ah oo ka xamaasha horyaalka Premier league.

Image result for Pep Guardiola and Jurgen Klopp.

Tababarayaasha ay Barcelona u dhaqaaqi doonto ayaa kala ah Ronald Koeman oo Everton Maamula,Mauricio Pochettino oo tottenham maamula,Pep Guardiola oo Man City maamula iyo jurgen Klopp oo Liverpool Maamula.

Tababaraha kaliya ee liiskan ka soo muuqday ee aan Premier league ka xamaalan ayaa ah tababaraha kooxda Borussia Dortmund Thomas Tuchel.

Share on Facebook

Comments

comments


Fikradaha Akhristayaasha (0)




..