WARBIXIN XIISO LEH: Maxa Ka Taqaanaa 10-Kii Guuldaro Ee Ugu Waaweynaa Ee Soo Marata Taariikhda Kooxda Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa soo martay habeen ka mid ah habeenadii ugu madoobaa taariikhada Kooxda kadib markii ay guuldaro 4-0 ah kala kulantay kooxda hawada duulaysa ee PSG.

Kulankan ayaa noqon doona mid ku waari doona maskadxa dadka daawada kubada cagta iyo taageerayaasha kooxda Barcelona maadama si ba,an loo xasuuqay.

Hadaba Shabakada shabaqa.com ayaa Warbixintan ku eegi doonta 10-kii Guuldarooyin ee ugu weynaa ee soo mara kooxda Barcelona Taariikhdeeda.

1.Guuldaradii ka Soo Gaartay Bayern Munich:

Xilli ciyaareedkii 2013/14 ayay Barcelona la kulantay guuldaro aad u xun iyada oo kala kulantay kooxda Bayern Munich oo ku ciyaaraysay garoonkeeda Alinez Arena.

Wakhtigaas oo kooxda Bayern Munich ku jirtay qaab ciyaareed aad u fiican iyada Oo garoonkeeda Camp Nou ugu soo garaacday 3-0 halka ay kulankii Dambena ugu quus goysay.

2.Finalkii Koobkii Super Cup-ka Yurub Ay La Ciyaaraysay Sevilla:

Barcelona ayaa finalkii Super cup-ka la ciyaartay kooxda Sevilla xilli ciyaareedkii 2007 kulankaas oo ka dhacay garoonka kooxda As Monaco.

Catalonia ayaa 2 bilood ka hor ku guulaystay champions league iyada oo ka qaaday kooxda Arsenal laakiin Waxa ay guuldaro la yaab leh kala kulantay kooxda Sevila iyada oo looga badiyay 3-0 xilli ay sevilla hanatay koobkaas.

3.Barcelona ayaa si layaab leh ugu guuldaraystay finalkii Champions league:

Xilli ciyaareedkii 1985/86 Barcelona ayaa gaartay finalka champions league iyada oo waliba u sharaxan hanashada koobka laakiin kooxda Steaua București ayaa si lama filaan ah ugu guulaysatay koobka.

Kulanka ayaa laysla gaaray gool ku laag laakiin Barcelona ayaa ku fashilantay in wax gool ah ka dhaliso iyada oo wada khasaarisay dhamaan gool ku laageed waxana ay sidaa ku weyday koobka champions league.

4.Barcelona ayaa Ku hor kuftay kooxda Valencia:

Barcelona ayaa guuldaro la yaab leh oo 4-1 ah kala kulantay kooxda Valencia kulankaas oo ahaa 4 dhamaadkii champions League xilli ay Catalonia si la yaab leh loo aasay.

Kulankan ayaa ka dhacay garoonka kooxda Valencia xilli ay sidaas kaga hartay koobka sanadkaas oo ahaa 2000.

5.FC Dynamo Kyiv Ayaa Barcelona si Ba,an u xasuuqday:

Kooxda Dynamo Kyiv ayaa xilli ciyaareedkii 1997/98 ayaa kooxda Barcelona ku dar-daray 7 gool iyada oo sanadkaas kaalinta 4-aad kaga dhamaystaya Group-yada champions league.

Kooxda Barcelona ayaa xilligaas kaliya badisay hal kulan iyada oo goolkeeda laga dhaliyay 14 gool intii lagu guda jiray wareega Group-yada.

6.Ac Milan Barcelona ka Badisay Final Champions League ah:

Barcelona ayaa gaartay finalka champion League sanadkii 1994 iyada oo uu hogaaminayo tababare Johan Cruyff xilli ay Barcelona u sharaxnayd in ay ku guulaysato koobka.

Laakiin kooxda Ac Milan ayaa si lama filaan ah ugu guulaysatay koobka iyada oo ka faa,iidaysanaysa daafaca xumada wakhtigaas kooxda Barcelona haysatay.

7.kooxda Metz Oo ka badisay Kooxda Barclona:

Guuldaradan ayaa ah mida ugu yaabka badan taariikhda barcelona iyada oo wareega Group-yada kaga hartay wareega 1-aad sanadkii 1984 inkasta oo ay kooxda Barcelona ku badisay 4-2.

Laakiin kooxda Metz ayaa kulankii lugta 2-aad ka yaabsatay kooxda Barcelona iyada oo looga badiyay 4-1.

8.Kooxda FC Köln oo si layaab leh uga Badisay:

Xilli ciyaareedkii 1980/81 ayay kooxda reer Germany ee FC Köln si layaab leh uga badisay kooxda Barcelona 4-0 inkasta oo ay Barcelona kulankii lugtii hore ku badisay 1-0.

Kooxda Barcelona ayaa kulankaas oo ahaa Europe league ah si layaab leh ugu hor kuftay kooxda Reer Germany ee FC Köln.

9.Kooxda Valencia ayaa Barcelona ku garaacday 6-2:

Guuldaradan ayaa ah mida ugu weyn ee ay Kooxda Barcelona la kulantay taariikhdeeda guuldarooyinkeeda Kulankan ayaa ahaa final Koobka.

Xilli ciyaareedkii 1961/62 Barcelona ayay guuldaro 6-2 ah ka soo gaartay garoonka kooxda Valencia halka ay sidoo kale kulankii kali ku dhamaaday bar-baro 1-1.

10.Finalkii Riyada Ee champions League:

Barcelona ayaa gaartay finalka champions league sanadkii 19961 kaas oo ah kulankii finalka ahaa ee ugu horeeyay ee ay ciyaarto kooxda Barcelona.

Kooxda Catalonia ayaa finalkaas ku hor kuftay kooxda reer Portugal ee Befica iyada oo loogu awood sheegtay 3-2.

Share on Facebook

Comments

comments


Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Abdisamad says:

    19961 hhhhhh awey Real iyo barca 11-1 or 11-2

  2. salmaan samiir boqorka kaftanka says:

    koxda barcelona waa kox adag lkn waxa ku dhacay hbenki dhawayd 4-0




..